Doorashadii Degaanada Puntland: “Riyadii Geedi Caano Leh Oo Si Rasmi Ah U Dhimatey”..

Somalia news

Muddo dheeraad ayaa qeybaha kala duwan Bulshada Beeleysan ee mucaaradsan Hanaanka doorashada ee looga guuraayo Degaanada Puntland oo khilaaf ka taagnaa, iyadoo dhinacyadaan qaarkood ay cod dheer ku sheegaayeen in Boobka iyo Afduubka la joojiyo..

Hanaanka Siyaasada dabran ee Beeleysan ee Puntland ayaa waxey u muuqataa iney madaxa la gashay marxalad iyo mugdi Mustaqbalka doorashada, iyadoo Hananka doorashada ee Maamulka xiligaan u dejiyay ayaan u muuqan mid wada qanciyay Ururada Mucaaradka, Odayaasha Dhaqanka & Waxgaradka degaanka, waxeyna dhamaantood cod dheer ku dalbanayaan in Maamulka uu ku fashilmay inuu Degaanka gaarsiiyo Doorasho Qof iyo Cod, haddan loo baahan yahay Wadatashi si looga baaqsado Dagaal iyo Barakac.

Sida ku cad Ajandaha Kalfadhiga 53aad ee Baarlamaanka waqtigiisu gabaabsiga yahay ee Puntland, waxaa ku jira qodobo taabanaya xaalka siyaasadda ee deegaanadaasi oo ah xiligaan kala guurka ah mid aan daganeyn.

Sida ay ii xaqiijiyeen ilo wareedyo xogogaal ah, Kalfadhiga Xildhibaanada waxaa la horgeynayaa xeerarka doorashooyinka Madaxweynaha iyo Golaha wakiilada oo la ebyay, qodobka la xariira arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka oo Ajendaha lagu daray ayaa iyana xasaasiyad gaar ah wadata, gaar ahaana marka la hadlayo waxa ku hoos-duugan oo aan sahal aheyn.

Ku darsoo Qorshaha Mashruuca Muwaadinka darajada 2-aad oo 1-da Bisha Novembar la qabanaayo Magaalada Boosaaso ayaa lagu sheegay Fal/dhaqan xumo meel kale laga soo waariday, iyadoo Qorashaha laga leeyahay uu yahay sidii Ajaaniibta (Ethiopianka loogu oggolaan lahaa iney Doorashada ka qeyb qaataan) loona boobo.

284870cookie-checkDoorashadii Degaanada Puntland: “Riyadii Geedi Caano Leh Oo Si Rasmi Ah U Dhimatey”..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com