Ma Dhabaa in Heshiis ay ka wada gaareen Dowladda Federaalka & Maamulada Dhanka Awoodaha

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga heleyaa heshiis hordhac ah oo dhanka awood qeybsiga kala xadidaaya Dowlada Federaalka & Maamulada Gobolada ay wadaa gaareen, Heshiiskaan ayaa 44 awoodood Dowladda siinaya halka Maamulada ay qaateen 22-awoodood…

Heshiiska la faafiyay ee ay kala saxiixdeen Xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran ayaa gebi ahaan kala diraaya Hey’adaga Sirdoonka ee Heer maamul goboleed, iyadoo lagu xusay in awoodaasi ay Dowladda Federaalka u gaar tahay, sidoo kale waxaa awood loo asteeyay Golayaasha Sharci dejinta ee 3-da heer (Baarlamaanka Federaalka, kan Dowlad Goboleedyada iyo kan degaanka, iyadoo la soo koobay awooda Hey’adda fulinta.

Inkastoo heshiiskaan la isku raacay mid u muuqda in horumar laga gaaray dhismaha iyo Awoodaha u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo kuwa Gobolada, haddana waxaa fasiraad badan u baahan eret-bixinta guud taasoo horseedi karta in macno kale loo fasirto si la mid ah Qabyo qoraalka, iyadoo durbadiiba farta lagu fiiqay awoodaha Dowladeed ee aad u badan yihiin balse baahiyaha hadda taagan uun heshiiska lagu koobay.

Heshiiskaan waa mid Siyaasadeed oo aan la ofeyn sida loo waafajin kara xeerarka iyo Shuruucda Dalka u degsan, iyadoo aysan kala caddeyn in la horgeeyo Xafiiska Garyaqaanka guud ee Dalka oo Mas’uuliyadiisu ka mid tahay inuu diiwaan geliyo dhamaan heshiisyada la galo, Dhanka kale Qodobka 27-aad ayaa ka hadlaaya in Maamulka Dekedaha iyo Garoomada Caalamiga ah awood loo siiyay Dowladda Federaalka talabadaan oo aan la hubin sida looga fulin karo Maamulada Puntland, Jubbaland iyo Somaliland maadama ay ku tiirsan yihiin dakhliga ahaan.

hoose ka akhri:-

234160cookie-checkMa Dhabaa in Heshiis ay ka wada gaareen Dowladda Federaalka & Maamulada Dhanka Awoodaha