Aragagixisada Shababka Oo Qaraxyo ka fuliyay Degaanka Maxaas

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ay kordheen khasaaraha ka dhashay qaraxyo is-miidaamin ahaa oo ay saaka aroortii hore kooxda argagixisada Shabaabka ay ku qaaday gudaha degaanka Maxaas oo ka tirsan Gobolkaasi..

Qaraxyado oo labo ahaa ayaa waxaa loo adeegsaday gawaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, waxaana ka dhashay dhimasho, dhaawac iyo burbur aad u xoogan, Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxyadan ku dhimatay ilaa 15 qof oo ay ku jiraan haween shaax ku iibinayay goobta, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay tiro kale oo ay ku jiraaan saraakiil iyo wariyeyaal.

Wararka ayaa sheegaya in mid ka mid ah qaraxyadan lala eegtay guriga uu gudaha degmada Maxaas ka degan yahay xildhinaan Maxamed Abuukar Jacfar oo ka tirsan Golaha Shacabka, waxaana la sheegay in xilliga uu qaraxa dhacayey uu ka maqnaa gudaha guriga, Sidoo kale qaraxaa labaad ayaa isna waxaa lagu soo warramayaa in lagu dhuftay  guriga Gudoomiyaha degmada Maxaas Muumin Maxamed Xalane.

235240cookie-checkAragagixisada Shababka Oo Qaraxyo ka fuliyay Degaanka Maxaas
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com