Warbixino la Xiriira Qiimeynta Nabada & Xasiloonida Dalalka Aduunka

World

Machadka Dhaqaalaha iyo Nabadda (The Institute for Economics and Peace) ayaa soo saartay Daraasaad-sanadeedka Qiimaynta dalalka ugu Amaanka iyo Nabadda badnaa  Caalamka sanadkii la soo dhaafay ee 2022-kii…

Warbixinta Tusmada heerarka Qiimaynta Amaanka Caalamka (The Global Peace Index) ayaa waxaa lagu eegay Guud ahaan 163 dal, iyadoo Daraasada diirada lagu saaray Nabadda, Xuquuqda Aadanaha iyo Horumarka.

Machadka Dhaqaalaha iyo Nabadda oo ah Hay’ad Madaxa banaan oo aan Macaash-doon ahayn waxay Warbixinta Sanadlaha ee Qiimaynta GPI Report waxaa lagu soo bandhigay dalalka ugu Amaanka badan iyo kuwa ugu khatarta badan Caalamka oo idil, Dalka Iceland ayaa weli Kaalinta Koowaad kaga jirta dalalka ugu Nabdoon dalalka Caalamka tan iyo sanadkii 2008-dii.

Dalalka Afghanistan, Yemen, Syria iyo South Sudan ayaa ah Wadamada ugu liita dhanka Nabadda (The least peaceful countries in the world).

235200cookie-checkWarbixino la Xiriira Qiimeynta Nabada & Xasiloonida Dalalka Aduunka