Maamulka Hargeysa Oo Cabasho ka soo Saaray Xadgudubyada Lagula Kacay Maxaabiistii laga Qabtay..

Somalia news

Wararka naga soo gaaray magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in Maamulka Somaliland u sheegay in si arxan daro ah loola dhaqmay Maxaabiistii lagu qabtay dagaalkii Jimcihii hore dhacay, ee ku xiran Xabsi ku yaal magaalada Laascaanood, waxeyna ugu baaqeen Hey’adaha Caalamiga ah iney wax ka qabtaan..

Qoraal lagu baahiyay mareegta Wasaarada Arrimaha Dibada Somaliland, ayaa lagu sheegay in baraha bulshada ay qabsadeen sawiro iyo muuqaalo muujinaya askar dhibaato loo gaysanayo, “Maalmihii lasoo dhaafay muuqaalo iyo sawiro muujinaya askar Somaliland ah, oo si daran loo jir dilaayo, qoorta laga jarayo, iyo maydad la bah dilaayo, ayaa lasoo galiyay baraha bulshada” ayaa lagu yiri qoraalka.

Somaliland Beesha Caalamka ayay ugu Baaqday in ay arrinta ka hadasho, oo qolada maxaabiista haysa ay u sheegto in ay ula dhaqmaan si waafaqsan sharciyada caalamiga ah, Hoggaamiyaha Golaha fulinta ee SSC Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw Cali Firdhiye, ayaa dhankiisa sheegay in maxaabiista si wanaagsan loola dhaqmay.

Dhanka kale, Garaad Mukhtaar Garaad Cali Buraale, ayaa isna bartiisa Twitter-ka ku qoray Fariin ah iney jiraan Dad duubaya muuqaaalo aan qalbiga iyo indhaha aadamaha u fiicnayn, “Halgankii waa ku guul dareysaney, Ciidamadeenii guusha ay inoo soo hooyeen, waxa ka daba yimid kuwo duubaya muuqaalo isha iyo qalbiguba diidayaan. Ogow in muuqaal kastaa la mid yahay madfac ama hoobiye lanagu soo tuurey, ciidanka lagu soo tuurey, maatada lagu soo tuurey” ayu yidhi Garaadku.

275200cookie-checkMaamulka Hargeysa Oo Cabasho ka soo Saaray Xadgudubyada Lagula Kacay Maxaabiistii laga Qabtay..