Baarlamaanka Puntland Oo Dib U Furmaaya Xilli ay Taagan yihiin Xarig-jiid Siyaasadeed

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal ayaa sheegaya in Kal-fadhiga 51-aad ee Baarlamanka Puntland ayaa sida qorshaysan furmi doona maalinta beeito oo Talaadada ah kuna beegan 25-ka October 2022, iyadoo ay jiraan xarig jiid Siyaasadeed…

Wararka ayaa sheegaya in Kal-fadhigaan uu ka duwan yahay kuwii hore ayaa ku soo beegmaay xilli ay degaanada Puntland ka jiraan is-diidooyin siyaasadeed oo salka ku haya khilaafka ka taagan barnaamijka doorashooyinka qof iyo cod, iyadoo Madaxweynaha lagu eedeeyay inuu wato ajandayaal kale oo u qarsoon.

Madaxweynaha Puntland Deni ayaa la rumaysan yahay inuu doorashooyinka qof iyo cod ku dhex qarinayo mudda kororsi xeeladaysan si uu xukunka u sii dheeraysto, iyadoo Mudda-xileedka sharciga ah ee Madaxweynaha waxaa hadda ka harsan mudda hal sanno iyo laba bilood ah oo ku eg 8 January 2024.

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Puntland Cabdifaarax Saciid ayaa safar shaqo iyo Kulan uu ku tagay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo kala kulmay ”Waji gabax”, kadib markii Odayaasha Dhaqanka iyo Waxgaradka Magaalada ka codsaday iney taageeraan Barnaamijka Doorashada ee Golayaasha degaanka lagu murasan yahay.

220570cookie-checkBaarlamaanka Puntland Oo Dib U Furmaaya Xilli ay Taagan yihiin Xarig-jiid Siyaasadeed