Hargeysa:-Takoorka ay la kulmaan dadka la nool HIV AIDS oo Nolol xumo Biday..

Somalia news

Warbixin welwel xambaarsan ayaa daaha ka rogeysa in Dadka qaba Cudurka HIV/AIDS ee ku nool Magaalada Hargeysa ee Somaliland ay wajahayaan takoor saameeyay dhinacyada Waxbarashada Carruurtooda, Shaqada iyo Hoyga, Talaabadaan ayaa Qoysas danyar u badan ay xaaladahaan dhaxal siiyeen Raashin yari iyo in Maareynta noloshu ay ku adkaato…

Wararka ayaa sheegaya in Hooyo Aamina oo magaceeda saxda ah aan qarinay ayaa waxaa faquuq dartiis Waxbarashada uga hareen 4-Carruur ah oo ay dhashay, Maamulka Machad Diinta lagu barto ayaa soo eryay, markii uu oggaaday in Hooyada dhashay Caruurta ay la nooshahay cudurka HIV, Waxay sheegtay inay geysay Dugsiyo kale oo Waxbarasho balse laga diiday, Carruurta ayay xustay iney niyad jabeen oo aysan waxbarasho aadin tan iyo sanadkii 2019.

Hooyadaan ayaa sheegtay in Xaaladaas waxay ku qasabtay in Aqal cooshad ah ay ka dhisato boos mulkiyadiisa ay leedahay oo ku yaalla xerada lagu barakacay ee Qalax, kaasoo ay ku nool yihiin tan iyo bishii November ee sanadkii 2023.

Hooyadaan ayaa sheegtay in Cudurka HIV/AIDS laga helay bishii 7-aad ee Sanadkii 2005, Waxay ka qaaday seygeeda oo ay kala tageen, balse aan u sheegin iyada inuu qabo cudurka oo ay xustay inuu isku ogaa, Aamina ayaa ka mid ah koox dadka ku nool magaalada Hargeysa ka wacyi galiya ka hor tagga cudurka iyo inaan la takoorin dadka la nool, Howshaas oo is xilqaan ay ku qabtaan ayay tilmaantay in halkii wax lagu qaadan lahaa ay dadka qaar oo bartay ay ku takooraan iyada.

Guud ahaan Degaanada Maamulka Somaliland Dadka la diiwaan galiyay ee la nool cudurka HIV AIDS ayaa tiradoodu tahay 1,800-Bukaan, sida uu sheegay Guddiga qaabilsan, Dadkaan ayaa dantu ku qasabtaa inay is qariyaan, takoor ay ka baqayaan darteed, balse taasi xal uma noqon caqabadaha haysta ee uga imaanaya Dadka ay la nool yihiin.

301640cookie-checkHargeysa:-Takoorka ay la kulmaan dadka la nool HIV AIDS oo Nolol xumo Biday..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com