Argagixisada Shababka Oo Dad Rayid ah & Gaadiid ka Afduubtay Degaan ja tirsan Gobolka Hiiraan

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa fal afduub ah oo ka dhacay degaanka Dheenweyne oo ka tirsan tuulooyinka hoostaga degaanka Halgan ee gobolka Hiiraan ayna geysteen maleeshiyaad ka tirsan kooxda argagixisada Shababka fiidnimadii Xalay…

Wararka ayaa sheegay in laba gaari oo kala ah noocyada Soomaalida u taqaan Homey iyo Noah oo ay saarnayeen dadka rayid ah ayeey Dableyda Shababka wadada u galeen oo ay rasaas ku rideen Dadkaasi safarka ku jiray, iyadoo Rakaabka qaar ay ka baxsadeen halka intii aanan baxsan iyo gaadiidkiiba ay la aadeen dhanka jiinka wabiga Shabeelle.

Dadka la Afduubtay ayaa tiradoodu lagu sheegay 20-Qof kuwaasoo u badnaa Dad da’ ah, waxaana la xaqiijiyay in ilaa 9 ruux ay kooxda ka gudbisteen wabiga Shabeelle una gudbiyeen dhanka Galbeedka gobolka Hiiraan oo wali Shabaab ku leeyihiin fariisimo waa weyn.

234590cookie-checkArgagixisada Shababka Oo Dad Rayid ah & Gaadiid ka Afduubtay Degaan ja tirsan Gobolka Hiiraan
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com