Fal Dil Toogasho ah oo Xalay Fiidkii ka dhacay Caasimada Dalka Sweden

World

Warar hordhac ah ayaa laga helayaa fal dil u muuqda mid abaabulan oo lagu qarinaayay Xafladda soo dhaweynta Sanadka cusub ayaa xalay ka dhacay xaafad ka mid ah Caasimada Stockholm ee Dalka Sweden, iyadoo ay Eedeysanayaaaha intii uu falkaasi socday riday gantaalada sanadka cusub si ay jahawareer iyo khalkhal u abuuraan…

Wararka ayaa sheegay in Dilka uu ka dhacay Bartamaha Xaafada Vällingby Centrum meel un wax yar u jirta xafadda caanka ah rinkeby, Eedeysanayaasha ayaa ka baxaaday goobta markii ay falka dilka ah fuliyeen, iyadoo lagu wargeliyay Hey’adaha Amaanka kuwaasoo sheegay abaarihii 21,30 fiidnimo uu nin 20 jir ah uu u dhintay dhaawacii rasaas soo gaaray isla markaasna ehelkiisa ay ogeysiiyeen.

Waxaa jiray saddex qof oo la toogtay. Hal qof ayaa dhintay, labada kale waxaa lagu qiimeeyay inaysan qabin dhaawacyo halis ah, ayay tiri afhayeenka booliiska Helena Boström Thomas, iyadoo intaasi raacisay in Toogashada ay ka dhacday banaanka hore ee McDonald’s ee bartamaha Vällingby, waxaana gudaha maqaayada Boliisku ku arkeen astaamo rasaaseed.

234620cookie-checkFal Dil Toogasho ah oo Xalay Fiidkii ka dhacay Caasimada Dalka Sweden
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com