Ciidamada Eritrea oo ka baxay Degaanadii ay Joogeen Gobolka Tigray

Africa News

Goobjoogayaal iyo sarkaal Ethiopian ah ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in askarta Eritrea oo ku dagaallamayey taageerada Dowladda Federaalka Ethiopia labadii sano ee dagaalka sokeeye ee gobolka Tigreega ay ka baxeen labo magaalo oo waaweyn, una jihaysteen dhanka xadka…

Ka bixista deegaanada Shire iyo Axum ayaa daba socota xabbad-joojin ay kala saxiixdeen 2-dii bishii November dowladda Ethiopia iyo Ciidamada Gobolka Tigreega ee TPLF, kaasoo dhigayay in ciidamada shisheeye laga saaro gobolka Tigray.

Saddex ka mid ah shaqaalaha gargaarka ee Axum iyo Shire ayaa sheegay in ay arkeen tobannaan Gaadiidka Ciidamada ah oo ay ka buuxaan askar Eritrean ah oo Khamiistii kusii jeeday magaalada xuduudka ah ee Sheraro, Mid ka mid ah shaqaalaha gargaarka ayaa sheegay in ciidamadu ay u gacan haadinayeen.

234540cookie-checkCiidamada Eritrea oo ka baxay Degaanadii ay Joogeen Gobolka Tigray