Xarunta Xalane Oo Hoobiyeyaal lagu Weeraray & Xaaladda Amaan ee Xamar..

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa tiro hoobiyaal ayaa xalay lagu weeraray Xarunta (ATMIS) ee Xalane ee xeendaabka garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, halkaasoo ay ku yaslasn inta Dhismayaasha Safaaradaha Dalalka Reer Galbeedka iyo China…

Xogo amni ah ayaa xawiijinaaya in ku dhawaad 5-Hoobiye ay ku dhaceen gudaha xerada halkaasoo saldhig u ah Hay’adaha Qaramada Midoobay , Safaarado & Ciidanka ATMIS, Dhawaqa hoobiyaashan ayaa ruxay xaafadaha ku dhow xerada Xalane iyo nawaaxigeeda sida ay sheegeen dadka cabsida ay ku reebeen ee ku nool xaafadaha Wadajir ee Muqdisho.

Dowlada Federaalka iyo Laamaheeda Amniga ayaan ka hadlin weerarkan lagu qaaday Xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho oo sidan oo kale dhowr jeer oo hore loo weeraray, Falalkaan ayaa joogto noqday, iyadoo Ciidamada ATMIS iyo Somalia ay heystaan Aalada counter-battery radar or weapon tracking radar.

Dhanka kale duleedka magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay qaraxyo oo ay xig xigeen weeraro goos goos ah oo dhaxmaray koox la rumaysan yahay iney Shabaabka ay ka tirsan yihiin iyo Ciidamada Dowladda.

300650cookie-checkXarunta Xalane Oo Hoobiyeyaal lagu Weeraray & Xaaladda Amaan ee Xamar..