Maxaa ka Run ah Qoyska Madaxweynaha & Xildhibaan ay ku Shirkoobeen Hubinta Badeecadaha..

Somalia news

Macluumaad ayaa laga helayaa Shirkad ay shuraako ku yihiin Qoyska Madaxweynaha & Xildhibaan Beesha Degmada Cadaado, iyadoo Shirkadaan loogu tala galay iney baaris iyo xaqiijin ku sameyso Dawooyinka & Badeecadaha Raashinka qeybo ka mid ah kuwaasoo la sheegay in la hubinaayo iney dhaceen..

Ilo wareedkaan ayaa sheegaya Shirkadaan sy heshiis la gashay Shirkad lagu magacaabo (Bureau Veritas) si baaris lagu sameeuo Badeecadaha Bariiska, Burka iyo Sonkorta, baaristaan ku jiraan Noocyada Biraha iyo agabyada kake, Iyadoo Saamiga ugu badan lasiiyay Qoyska Madaxweynaha iyo Xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye (Lugey), Faderxadaan ay soo shaac baxeysa xilli uu Xasan Gurgurte uu Masaajidka Madaxtooyada Dadka uga digo ineysan Musuq ku kicin.

Shirkadaan ayaa muddo Sanado ah Dalka Joogtay waxaana la sheegay in Heshiis la gashay Wakiilo ka socda Milkiilihii (Fahad Yasin) Maamulkii Farmaajo iyo Ex Wasiir Mr.Gacma dheere, heshiiskaasi ayaa waxaa joojiyay Madaxweynaha Xasan Sheekh wuxuu maamulka Hey’adda Tayo dhowrka uu madax uga dhigay Gabar ay Walaashiis dhashay.

Iyadoo lagu wado in 22-ka Bishan la qaban doono Xaflad lagu soo bandhigaayo heshiiska cusub kaasoo ay ka qeyb gali doonaan Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada Federaalka, Ganacsato iyo Bulshada Rayidka, waxaase ugu yaabka badan in Qandaraaskaan tartan la geliyay balse nadiiv darro lama soo bandhigin.

266460cookie-checkMaxaa ka Run ah Qoyska Madaxweynaha & Xildhibaan ay ku Shirkoobeen Hubinta Badeecadaha..