Garabka Villa Somalia Ee Galmudug Oo..

Uncategorized

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegay in Garabka Farmaajo ee koox doodi u Caleemo saareen Madaxweyne Qoorqoor, uu ergo ka dhigtay Odayaasha Beesha Cayr, si ay u dhexdhexaadiyaan Hoggaanka Ahlu Sunna, isla Markaasna Dhaqaale iyo Xilal ku yaboohay.

Xogtaan ayaa Diinah.com u sheegtay in Odayaal biil joogta ah ka qaata Maamulka Fadhiidka ee Villa Somalia uu hormuud u yahay Shaqsiga Cabdi Daahir lagu magacaabo iyo xubno loo wakiishay iney wada hadal la furaan Hogaanka Suufiyada, isla markaasna Qoorqoor uu Ahlu Sunna u ogolyahay awood qaybsi siyaasadeed, barnaamijkaasina uu ku soo bandhigi doono, goorta ugu horeyso ay suurtagasho inay kulmaan.

Diinah.con ayaa fahamsan in Xafiisyada Villa Somalia iyo Kan Xalane ee Mareykanka ay uu Ahlu Sunna u soo bandhigeen in saddex wasiir oo muhiim ah laga siin doono Golaha Wasiirada cusub ee maamulka, taasi bedelkeedana laga doonayo inay aqbalaan Doorashadii Madaxweyne Qoorqoor, balse ay Hoggaanka Ahlu Sunna iska diideen.

Iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay Magaalada Dhuusamareeb kulamo kala duwan ka kala wadeen labada maamul ee ka jira magaaladaasi ayaa waxaa hadana barbar socday dadaalo lagu doonayo in labada dhinac la isugu soo dhaweeyo.

Dhinacyada siyaasadda Galmudug ayaa si weyn isugu khilaafay Doorashada Galmudug, ee markeedii ugu horeysay lagu qabtay Magaalada Dhuusamareeb, waxaana xaalada sii xumeeyay Wakiilka Mareykanka oo dhinac la saftay.

16410cookie-checkGarabka Villa Somalia Ee Galmudug Oo..