Yaa Lagu Wareejiyay Kaluunkii Laga Xaraashay Kaluumeysatada Iran

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa xaqiijinaaya in Kaluunkii laga Qabtay Labada Doonyood ay iska lahaayeen Kaluumeysto ka soo jeeda Dalka Iran, kuwaasoo si sharci darro ah uga kaluumeysanaayay Xeebaha Somalia ayaa la sheegay in si hoose looga iibiyay Ganacsade..

Xogtaan ayaa sheegtay in Maxkamada ay sheegtay in Kaluunkaan oo lagu qiyaasay 30-Tan, Kaluunkaan ayaa ka kooban Tunna iyo Daamburi, waxeyna la wareegtay 16-kii bishii April, iyadoo aysan jirin Maxkamad la soo taagay Kaluumeysatada ka soo jeeda Dalka Iran, waxeyna tiradoodu ay gaarayaan ilaa 40-Qof, waxeyna wateen Doonyo lagu kala magacaabo Bulqistan-20 iyo Arsalaam Iran.

Wararka ayaa sheegay in Kaluunka laga iibiyay Shirkadda Somali Sea-food Production uuna iska leeyahay Ganacsade Cabdullahi Maxamed Nuur oo ay Qaraabo dhow yihiin Gudoomiyaha Maxkamadda Mr.Saalax Cali waxaana laga siiyay 12.000 US$ ah, iyadoo la sheegay in aan la marsiin hab raaca iibka ee Dowladda Federaalka, Kaluunkaan ayaa muddo laba bilood ah doomaha saarnaa, taasoo horseeday in tayadiisu uu hoos u dhac ku yimaado, waxaana loo adeegsan karaa kaliyah dib u warshadeynta Kaluunkaan.

254290cookie-checkYaa Lagu Wareejiyay Kaluunkii Laga Xaraashay Kaluumeysatada Iran
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com