Bahrain Oo Xoolo Loo Dhoofiyay Karantiishay

Somalia news

Waaxda Caafimaadka Xoolaha ee Dowladda Bahrain ayaa ku dhawaaqday in Xoolo (Lo’ iyo Ari), laga dhoofiyay Dalka Somalia ayeey sheegeen iney ka heleen Cudur Cagaha iyo Afka ku dhac (foot-and-mouth disease), kaasoo looga yaqaan Qeybta Caafimaadka Xoolaha Ee Saldanadaasi (Potongue)…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Wasiir kuxigeenka Caafiimaadka Xoolaha Dr Khaled Ahmed Hassan uu xaqiiyay in Xoolo laga dhoofiyay Dekedaha Somalia laga helay Cudurka Potongue, Xoolahaan oo tiradoodu uu ku sheegay 196-neef oo Lo’ ah iyo 1544 oo ari ah, wuxuuna intaasi raaciyay in la karantiilay Xoolahaasi si baaris Caafimaad loogu sameeyo.

Xoolahaan ayaa loogu tala galay in la qalo kadibna Dadka wadankaasi laga iibiyo, Dr.Khaalid ayaa sheegay in Cudurkaan laga talaalo Xoolaha Dalkaasi, wuxuuna intaasi raaciyay inuu Cudurku yahay mid saf mareen ah oo si fudud loo qaadi karo. Isagoo sheegay in Xoolaha baaris guud lagu sameyn doono kadibna inta Caafimaadka qabta Suuqyada loo oggolaan doono.

91000cookie-checkBahrain Oo Xoolo Loo Dhoofiyay Karantiishay