Bam-Gacmeed Khasaare Geystay Oo Ka Dhacay Black-sea

Politics

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga soo sheegaya Bam-ga meed (F1) oo lagu tuuray wadada Isgoyska Black Sea ee Degmada Hawlwadaag, ayaa sheegaya in Khasaare xoogan uu geystay….

Wararka ayaa sheegaya in Bamkaan loo waday Gaari kuwa Ciidamada ah oo wadada maray ay, hase yeeshee uu ku dhacay Gaari N3 ah, waxaana ku gewriyooday 4-Qof oo ay ku jiraan Wadihii Gaariga iyo Kaaliyihiisii, waxaa kaloo Khasaare uu soo gaaray dad shacab ah oo halkaasi ku sugnaa.

Ugu yaraan Saddex ruux oo shacab ah ayaa dhaawac uu soo gaaray oo laba ka mid yihiin xaalkooda kuwa liitay sida dadka deegaanka ay sheegeen.

Sidoo kale laba Askari ayaa iyagana dhaawac soo gaaray, waxaaba halkaasi markii dambe gaaray Ciidamada Boliiska oo goobta ka qaaday dadkii dhaawacyada uu soo gaaray.

Shaqsigii ka dambeeyay Bam gacmeedkaasi lagu weeraray Ciidamada ayaa durba halkaasi ka baxsaday, iyadoo Maalin cad ay tahay.

Amniyaadka Shabaab ayaa dilal qorsheysan & Qaraxyo waxa ay la beegsadaan Ciidamada dowladda & cid kasta oo gacan saar la leh Ciidanka.

30830cookie-checkBam-Gacmeed Khasaare Geystay Oo Ka Dhacay Black-sea