Xarun Dhaqan-celin Oo La Weeraray

Politics

Faahfaahin ayaa laga soo sheegaya howlgalo ay fuliyeen Xoogaga amaanka ayeey ku soo qabqabteen tiro Maamulka Mas’uuliyiin iyo Shaqaale ka shaqeynaayay xarun Dhaqan-celin…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa habeen hore degmada Hodan ee gobalka Banaadir ku weeraray xarun dadka lagu dhaqan celiyo oo ku taala degmadaasi.

Wararka ayaa sheegay in xaruntaan laga sii daayay dad badan oo dhaqan celin loo hayay, islamarkaana laga ka wateen ku dhawaad 10 qof oo maamulka iyo shaqaalaha xaruntaas ahaa.

Xarunta la weeraray ee dadka ka sii daayay ayaa la sheegay inay heleen Xoogaga amaanka xogo tilamaamaya in halkaas dadka lagu ciqaabo, islamarkaana ay ka jiraan tacadiyo badan oo xuquuqda bini-aadamka ka baxsan.

Dadka la xiray ayaa la sheegay in ciidanku ay kaxeesteen islamarkaana aan la ogeyn halka ay geeyeen, balse wararka qaar ayaa sheegaya in lagu xiray xarunta dambi baarista Boliiska ee CID, halka warar kale ay sheegayaan in saldhigga degmada Hodan lagu xiray.

Xarumaha dadka lagu dhaqan celiyo ee magaalada Muqdisho waxaa la sheegaa iney ka jiraan dhibaatooyin badan oo xuquuqda bini-aadamka ka baxsan oo loo geysto dadka halkaas dhaqan celinta loogu keeno.

30860cookie-checkXarun Dhaqan-celin Oo La Weeraray