Galmudug Oo Madaxweyne Cusub Dooratay..

Uncategorized

Xaaladda Galmudug ayaa saacadihii ugu dambeysay isku bedeshay jahwareer iyo qas xargo goostay, iyadoo Madaxweynihii ugu horeeyay ay doorteen Garabka Suufiyada, iyadoo lagu wado dhowaan In magaalada Gaalkacyo looga dhawaaqo Madaxweyne iyo Madaxweyne ay caleemo saartay Garabka Farmaajo, waxaana lagu sababeeyay doorshadaasi faro-gelinta Maamulka Villa Somalia oo lacago badan ku bixsay, isla markaasna xakameysay Xildhibaanada iyo qorshaha si xoog iyo qasab ah musharaxa ay wadato uga dhigeyso Madaxweyne.
Kadib doorshada Madaxweynaha ayaa Wareegto ka soobaxday Xafiiska Madaxwayne Sheekh Shaakir ayaa lagu sheegay in Dhuusamareeb aan lagu qaban karin wax doorasho ah, maadama maanta lagu doortey madaxweyne iyo madaxweyne kuxigeen. 
Isla wareegtadaan ayaa ciidamadda amaanka Dhuusamareeb lagu wargaliye in lafuliyo howlgalo lagu soo qabqabto Shabaabka ku soo saa’idey magaalada inta ay Dowladda Federaalka ku sugneed caasimadda Galmudug.

13750cookie-checkGalmudug Oo Madaxweyne Cusub Dooratay..