Fadeexad Dul Hoganeysa Heshiisyada Shirkadaha La Wareegay Garoomada Puntland 

Somalia news

Waxaa soo baxaya caddeymo badan oo muujinaya sida Maamulka Puntland ay u noqotey meel baylah ah oo la iibgeeyo kaabayaasheeda dhaqaale, kheyraadkeeda badda iyo macaadin kale, lagana iibiyo shirkado been-abuur ah oo loogu magacdaro in ay yihiin kuwo caalami ah taasoo ay ku lug leeyihiin shakhsiyaad aad ugu dhaw maamulka hadda jira…

Golaha Wakiilada ee Puntland ayaa kalfadhigan si adag ula xisaabtamaya Wasaaradaha Dowladda Puntland, waxaana u danbeysey Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada.

Kalfadhigii 50aad ee Golaha Wakiilada Puntland fadhigiisi 18aad waxaa horyimid Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Xuseen Cusmaan Lugatooriyo Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Maax Axmed Yuusuf, waxaana ay wajaheen su’aalo adag oo uga yimid Xildhibaanada, su’aasha ugu daran ayaa ahayd heshiisyada lagu wareejiyey Garoomada Bosaso iyo Garoowe in Wasiirku soo gudbiyo.

Halkii wasiirka laga sugaayey in uu Baarlamaanka horkeeno Heshiiska ay mudada dheer dalbanayeen ee labada shirkadood ee lagu wareejiyey garomada Bosaso iyo Garoowe ayuu yiri “Heshiiskaas Xukuumadda ayaan geyneynaa, kadib ayuu Baarlamaanka imaan heshiisku”, waxaa la yaab ah in 18 bilood shirkad qaadeysey dhamaan khidmadda garoomada xitaa Golaha Wasiirada la horgeyn ilaa hadda.

Shirkad cusub in lagu wareejiyo garoonka taas oo loogu magacdarey BIAC (Bosaso International Airport Company LLC) Waxaa shirkaddan wadaaga ganacsato carbeed kuwo u dhashey dalka Ruushka, iyo Madaxweynaha Puntland oo uu wakiil ka yahay nin walaalkiis ah oo lagu magacaabo Xasan Cabdullaahi Deni, kaas oo horey uga soo muuqdey wax ka beddelkii heshiiskii P&O Ports, bishii Abril, isaga oo aan la ogeyn xilka uu ka hayo Puntland.

GAROONKA GAROWE

Garoonka Diyaaradaha ee Gen Maxamed Abshir ee magaalada Garoowe ayaa sidaas oo kale lagu wareejiyey shirkad loogu yeero HAMA, oo ay wada lee yihiin ganacsato Shiineys ah iyo Khadar Faroole, ma jiro wax badan oo laga og yahay heshiiskan.

199550cookie-checkFadeexad Dul Hoganeysa Heshiisyada Shirkadaha La Wareegay Garoomada Puntland 
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com