Shir Khuseeya Deyn Cafinta Dalka Somalia Oo Nairobi Ka Furmay

Science

Wararka naga soo gaaraya magaalada Nairobi ee Dalka Kenya, ayaa sheegaya in Shir uu uga furmay Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka Somalia iyo Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF iyo Bangiga Adduunka….

Shirkaan oo ay hormuud ka tahay Wasaarradda Maaliyadda ayaa lagu gorfeyn doonaa arrimaha muhiim ah u ah shuruudaha barnaamijka Deyn Cafinta Dalka, horumarinta hannaanka Maamulka guud ee Maaliyadda Dalka.

Shirkaan ayaa sidoo kale waxa looga arrinsanaya sidii xoogga loo saari lahaa dhamaystirka Deyn Cafinta Somalia, iyadoo la isla eegayo sharuudaha iyo barnaamijka muhiimka ah sidii loo gaari lahaa barta dhammaystirka Deyn Cafinta Somalia.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Somalia, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo shirkaan si rasmi ah furay ayaa sheegay in ay muhiim tahay in fulinta sharuudaha lagu heshiiyay, kicinta dakhliga gudaha iyo xoojinta hannaanka Maamulka Guud ee Maaliyadda dalka (PFM).

246010cookie-checkShir Khuseeya Deyn Cafinta Dalka Somalia Oo Nairobi Ka Furmay
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com