Boliiska Oo Ku Raad Jooga Shaqsi Amaanka Gaalkacyo Halis Ku Ah

Somalia news

Kadib markii Todobaadkii tagay Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xooga Dalka lagu dilay Is-miidaamin qorsheysan, isla markaasna Baaris iyo daba gal lagu sameeyay Halka laga soo abaabulo Qaraxyada iyo Dilalka qorsheysan, ayaa waxaa la soo saaray Baaq Dadka Magaalada Gaalkacyo loo Jeediyay…

Taliska ciidanka Boliiska gobolka Mudug (Puntland) ayaa ugu baaqay shacabka kunool magaalada Galkacyo iyo guud ahaanba Degaanada Puntland inay ku soo wargeliyaan haddii ay arkaan shaqsiga lagu magacaabo Ibraahim Siidow oo laamaha ammaanku baadi goobayaan.

Ibraahim Siidow oo la rumaysan yahay maskaxda ka dambeysa falalka Qaraxyada, isagoo lagu eedeynaayo inuu ka mid yahay kooxaha falalka ammaan darro ka fuliya Magaalada Gaalkacyo ayaa ciidanka ammaanka Puntland Madaxiisa dul dhigeen $2.000 oo la siin doono qofkii soo gudbiya xogtiisa rasmiga ah.

81820cookie-checkBoliiska Oo Ku Raad Jooga Shaqsi Amaanka Gaalkacyo Halis Ku Ah