Ma Dhabaa in Khilaaf Xoogan oo Horseeday in la Mideeyo Shirarka Sacuudiga ee Dalalka Carabta iyo Islaamka

World

Macluumaad ayaa laga helayaa War ay soo saartay xalay fiidkii Wasaarada Arrimaha Dibeda ee Boqortooyada Sacudiga ayeey ku caddeysay in la mideeyay Shir-Madaxeedkii Ururka Jaamacadda Carabta iyo Dalalka ku bahoobay Dalalka Islaamka, kaasoo lagu wado inuu Maanta ka furmo magaalada Riyadh..

Xogo laga gelay Saraakiisha Qabanqaabada ayaa xaqiijiyay in kala bar Wasiirada Arrimaha Dibeda Dowladaha Islaamka ay dalbadeen on la mideeyo Shirarka Jaamacada Carabta iyo kan Islaamka, talo soo jeedintaasi ayaa lasheegay in Boqortooyada Sacuudiga ay aqbaleen, iyadoo sababta lagu sheegay in la isku af garan waayay go’aamo muhiim ah oo dhan ka ah Dalka Israel.

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegay in Dalal Carbeed ay ganafka ku dhufteen in go’aami mideysan laga qaato Xasuuqa iyo barakicinta ay wado Israel, waxeyna ku adkeysteen in lagu ekaado Cambareyn, iyadoo Talaabadaan la xusay iney ka hor imaaneyso codsigii Madaweynaha Falastiin oo ahaa in Shirka Wadamada Jaamacada Carabta uu soo saaro Go’aan lagu mideysan yahay ay soo saaraan Dalalka Jaamacada Carabta inkastoo Dalalka Khaliijka qaarkood ay diideen.

287070cookie-checkMa Dhabaa in Khilaaf Xoogan oo Horseeday in la Mideeyo Shirarka Sacuudiga ee Dalalka Carabta iyo Islaamka