Ma Dhabaa in Horjoogaha Shababka ee Bukaan Socodka ah uu Ka soo Muuqday Kulan ka Dhacay Jilib..

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Kulan muddo dhowr Maalmood ah uga socday Magaalada Jilib Horjoogayaaaha, Culimada Taageeraan iyo Odayaal Dhaqmeed (Nuqaba), kuwaasoo tiradoodu lagu sheegay 100-Ergo, waxeyna kaga arrinsanayeen sidii looga tashan lahaa dib u dhacyada iyo guuldarrada ka soo food saartay Howlgalada iyo Dhaqaale la’aanta..

Wararka ayaa sheegay in Kulankaasi uu ka soo muuqday Horjoogaha guud ee kooxda Argagixisada Shabaabka ee Bukaan socodka ah Axmed Cumar (Abuu Cubeyda), isagoo wareysi siiyay garabka warbaahineed ee kooxda Al-Kataa’ib, wuxuu ka hadlaya howlgallada ay wadaan Ciidamada Dowladda iyo Colaadda Suudaan, taasoo tilmaameysa in muuqaalka la duubay dhawrkii toddobaad ee u dambeeyay.

Sida laga soo xigtay xogo loo qaateen ah, Kulanku wuxuu dhacay May 8-15, 2003, waxaana goob joog ahaa Horjoogayaasha ugu sarreeya Al-Shabaab ee safka hore ku jira sida Cali Dheere (Afhayeenka), Abuu Cubeyda (Amiir), Xasan Yacquub (Galguduud Waali hore), doorkiisu xiligaan ma cadda, laakiin waxaa la sheegay inuu hawlo badan oo wacyigelin ah u hayo kooxda iyo Sheekh Maxamed Aala-Suldaan Madaxii hore ee Sakada, hadda sida la sheegay la taliyaha sare ee Horjoogaha.

257000cookie-checkMa Dhabaa in Horjoogaha Shababka ee Bukaan Socodka ah uu Ka soo Muuqday Kulan ka Dhacay Jilib..