Warbixino Laga soo saaray Ilaha Dhaqaalaha ka Helaan Kooxda Argagixisada Shababka

Somalia news

Warbixin laga diyaariyay ilaha dhaqaalaha ay kooxda argagixisada Shababka ka helaan Ganacsatada, Shirkadaha iyo Qeybaha kale ayaa lagu xusay iney balaarisay ayna ku kordhiyeen tirada fariisimadii soo jireenka ahaa, sida qaadista Cabshuuraha, Isbaarooyinka, Dukaamada, Dhismaha guraha cusub iyo beeraha..

Warbixintaan ayaa lagu sheegay in Horjoogayaasha kooxdu ay raadinayaan ilo dhaqaale oo dheeraad kana baxsan miisaaniyada Bilaha ah ee u soo xarooda, si loogu maareeriyo Gunnooyinka Maleeshiyaadka, iyadoo ay qorsheysan iney qortaan Makeeshiyaad cusub, si dagaalada loogy adeegsado.

Xogo ayaa xaqiijinaaya inkastoo ay Dowkada Federaalka ay xakameyn iyo culeysi xoogan saartay Shirkadaha iyo Ganacsatada, hadana waxaa weli kooxdu heshaa dhaqaale badan kuwaasoo loo marsiiyo Bangiyada iyo Xawaaladaha qeybaha kale, sidoo kale Biraha shubka dhismaha iyo dhaxgaanta lagu dhiso guryaha dabaqyada ayaa kooxdu ka qaadaa 100-300 US$ sanadkii.

Muwaadiniinta la daaha bixinta Baada ayaa lagu ganaaxaa 120-US$ oo ka dheeri ah dhaqaalaha laga rabo, isku soo wada duub Shirkadaha iyo Ganacsatada Soomaalida ayaa xiligaan wajahaaya culeysyo labada dhinac ah iyadoo Kumanaan Account-yo ah ay Dowkadu saartay xayiraado kuwaasoo qaarkood ay leeyihiin Shirkado iyo Ganacsato.

224360cookie-checkWarbixino Laga soo saaray Ilaha Dhaqaalaha ka Helaan Kooxda Argagixisada Shababka