Cabasho Laga Keenay Isticmaalka Aaladaha Jammers-ka ee Mobilada & Internet-ka

Somalia news

Warbixin hordhaca ah ayaa xaqiijineysa in xeyndaabka Dhismaha Safaarada Turkiga ay ku leedahay Magaalada Mogadishu ayaa bilaawday inay jaam gareyso Taleefonada dadka ka ag dhow agagaarka dhismaha safaaradda, talaabadaasi oo horseeday in dad badan ay isticmaali kari waayaan taleefanada gacanta ee mobile-ka iyo khadka internet-ka…

Dhacdadaan ayaa soo shaac baxday kadib weeraradii toddobaadkii lasoo dhaafay lagu qaaday Garoonka diyaaraddaha Aadan Cadde, gaar ahaan Marina Gate oo ay degan yihiin Safaaradaha iyo Hay’adaha Samafalka.

Safaaradda Turkiga oo adeegsaneyso teknolijiyada casriga ah ayaa billowday inay xanibto anteenada taleefonada dadka ku sugan dhismooyinka ku hareereysan iyo kuwa ag maraya safaaradda, talaabadaan oo xadgudub ku ah xaqa Muwaadinka iyo isticmaalka Internet-ka.

Guud ahaan isticmaalka Aaladaan Jammers Internet-ka & Khadadka Isgaarsiinta ayaa aad u istimaala Safaaraddaha, Gaadiidkooda, Xafiisyada Hay’addaha samafalka, kuwa UN-ka ee xarunta Xalane ku yaal, waxeyna si weyn u adkeeyeen amaankooda, iyadoo ay muuqato kalsooni daro amni, waxayna farta ku godan tahay madaxda Villa Somalia inay qeyb ka qaateen weeraradii garoonka Muqdisho iyo kii Baladweyne kuwo kalena qoraheynayaan mustaqbalka dhow.

179310cookie-checkCabasho Laga Keenay Isticmaalka Aaladaha Jammers-ka ee Mobilada & Internet-ka