Ciidamo Ka Tirsan Kuwa Puntland Oo Gadood Ka Sameeyey Magaalada Garoowe..

Uncategorized

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Ciidanka loo yaqaan Goodirka oo ka tirsan Boliiska Puntland ayaa xalay gadood ka sameeyay garoonka Diyaaradaha Magaalada Garoowe, iyagoo la sheegay iney daryeel la’aan iyo Dhaqaale xumo ku sababeeyay Gadoodkooda..

Wararka ayaa sheegaya in ciidanka Goodirka oo ku sugan garoonka ciyaaraha Garoowe ee Mire Awaare ay isku dayeen in ay halkaas ka guuraan amar la’aan kadib markii ay gadoodeen, sidoo kale Ciidankaan ayaa adeegsaday rasaas ku rideen Taliyahooda kadib markii uu ku amray in aysan ka bixi karin halkaas.

Lama soo werin wax khasaare ah oo ka dhashay rasaasta waxaana markii dambe lagu guulaystay xallinta gadoodkii ciidanka oo dib loogu celiyay xaruntoda, Maamulka Dani ayaa lagu eedeeyay Gunooyinkii Shaqaalaha iyo Ciidamada u wareejiyay Ololihiisa Doorashada.

269800cookie-checkCiidamo Ka Tirsan Kuwa Puntland Oo Gadood Ka Sameeyey Magaalada Garoowe..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com