Gudoomiye Kuxigeenka Amniga Gobolka Benadir Oo Walaalkiis Qarax lagu Dilay..

Somalia news

Saraakisha Dowladda Federaalka oo Todobaadyadii ugu dambeeyay ku faanayay iney hoos u dhigeen halista Kooxaha argagixisada ee Caasimadda, ayaa waxaa la sheegay in xalay Nin la sheegay inuu la dhashay Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo Siyaasada ee Gobolka Benadir lagu dilay Magaalada Muqdisho…

Wararka hordhac ah ee laga helay Qaraxaasi ayaa sheegaya in Marxuum Cali Axmed Diiriye uu ku geeriyooday Isbitaalka Erdogan kadib markii dhaawacyo halis ah ay ka soo gaareen qarax xalay lala eegtay, Qaraxaan oo ka dhacay Xaafada Shiirkole ee Degmada Hodan ayey wararku sheegayaan iney jiraan Dad kale oo dhimasho iyo dhaawac ka soo gaaray, iyadoo falkaan uu yahay kii 2-aad ee lagu beegsado Beesha Cadaado.

Wararka qaar ayaa sheegay in qaraxaan uu ka dhacay Guri ku yaala xaafada Shiirkole oo uu degan yahay Madaxii hore ee Saldhiga Boliiska Degmada Hodan Cabdifataax Qoslaaye oo isagu ka badbaaday qaraxaasi, dhibaatada Qaraxyada iyo dilalka qarsoon ayaa ku soo badanaaya Caasimada inkastoo Ciidamo cusub ay howlgal ka bilaabeen.

259450cookie-checkGudoomiye Kuxigeenka Amniga Gobolka Benadir Oo Walaalkiis Qarax lagu Dilay..