Miyeey Farmaajo & Qorqor Ku Kala Tageen Isbaheysigii Doorashada

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegay, in khilaaf ba’an uu soo kala dhexgalay Madaxweynaha wakhtiga ka dhamaaday Mr.Farmaajo, taliyaha NISA Fahad Yasin oo dhinac isku ah iyo Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoqoor, Khilaafka ayaa salka ku haya arrimo dhowr ah…

Xogtaan ayaa u xaqiijisay in Khilaafka dhinacyadaan ayaa salka ku haya Guddiyada Doorashada ee degmooyinka Galmudug, kuwo heer Federaal, iyo sidoo kale amaanka doorashada Galmudug lagu wareejiyo Hogaanka Qeybta 21-aad iyo kuwo laga soo diri doono Villa Somalia, talaabadaasi oo uu ka biyo diiday Mr.Qorqor, wuxuuna weydistay Mr.Rooble inuu u oggolaado in Ciidamo iyo Gaadiid dagaal uu ka dejiyo Magaalada Dhuusa mareeb.

Xog iyo xan ayaa tilmaamaya in Khilaafkaan ayaa soo bilaawday toddobaadyo kahor markii Madaxweyne Qorqor uu gaarigiisa garoonka diyaaradaha ku geeyay Mr.Saadaq Joon oo safar maalmo kooban qaatay ku tagay Turkiga markii uu ka soo laabtayna looga soo qaaday isla gaarigii Qoorqor, waxaana labada jeer gaariga la saarnaa Madaxweynaha Galmudug iyadoo sababta lagu sheegay in uu Qorqor uu xil gaar ah iska saarayay ammaanka Sarkaalkaan ay qaraabada yihiin, Farmaajo iyo Fahad ayaa aad isugu haleynayey iney helo inta badan Xildhibaanada kasoo baxaya Galmudug, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed, ayaa hadidi Galmudug lagala wareego ay sii yareyn doontaa fursadihiisa dib u Doorashada.

124930cookie-checkMiyeey Farmaajo & Qorqor Ku Kala Tageen Isbaheysigii Doorashada