Caqabado iyo Sumcad Xumo ay Ethiopia Siyaasadeeda Dibeda Wajaheyso Kadib Heshiis Beenaadkii…

Africa News Somalia news

Macluumaad ayaa muujinaaya in Dil-dilaac uu ku yimid fulinta Heshiiskii 1-dii Bishaan wada gaareen Ethiopia iyo Maamulka Gooni goosadka Somaliland, Heshiis beenaadkaan ayaa xeerinaaya in laga kireeyay Dhul/Xeeb dhan 20-Meyl Ethiopia oo xarun Ciidamo Badeed ka dooneysa iney ka dhisato Xeebta Lughaya..

Xogo loo qaateen ayaa xaqiijinaaya in Dowlada France oo tan 2019-kii ka aheyd Mashruucaan tababar u fidineysa Ciidamada Badda Ethiopia ayaa iga digtay Ethiopia iney joojin doonaan Tababarka heshiiskana ka bixi doonaan haddii aysan ka laaban Heshiiska, Maamulka Abiy ayaa la sheegay inuu weydistay Dalalka Russia iyo UAE iney u tababaraan Ciidamadaan hadii ay France joojiso Tababarida Ciidamada Badda Ethiopia.

Diidmada Caalamka & Dalka Djibouti

Inkastoo Shalay Kulan ka yeesheen Golaha Amaanka Dacwada ay gudbisay Somalia, haddan waxaa soo shaac baxaaya in Dowlada Djibouti diidmadeeda ku wajahan in la dhaqan geliyo Heshiiska maadama uy khatar ku yahay Ganacsiga kala dhaxeeya Ethiopia, iyadoo Sidoo kale ay Ethiopia qoraal u dirtay Madaxweynaha Djibouti kuna aadan in la qabto kulan IGAD ah oo xiisadaan looga inkastoo fadhigii bishaan ka baaqsatay, Somalia xiligasn diyaar uma ahan iney ka qeyb gasho kulankaasi.

Haldoorka Somaliland Oo Diiday Heshiiska

Todobaadyadii u dambeeyay waxaa aad u soo kordhaayay cadaadiska iyo cumeys saarka Waxgaradka, Ganacsatada iyo Culumaa’udiinka kuwaasoo farta ku goday in Heshiiskaan uu dhabar jab ku yahay dhaqdhaqaaqa Ganacsi ee Dhoofinta iyo soo dejinta Dekadaha Berbera & Djibouti ayna xirmi doonaan hadii uu sii socdo qorshaha fulinta Heshiiska, waxeyna Mr.Biixi ku cadaadiyeen in marka hore ay Ethiopia aqoonsato Maamulkooda.

Hase yeeshee Mr.Abiy oo fahamsan dhibaatada iyo cukeyska ay leedahay iney qaadato go’aan noocaan oo kale ah ayaa ka mermeeraya inuu ku dhiirado aqoonsiga hadii ay dhacdana waxaa soo af jarmaaya xiriirka Somalia iyo Ethiopia, ku darsoo Saraakiisha Ciidamada Ethiopia ayaa shaki ka muujiyay hirgelinta heshiiskaan sababo la xiriira iney dib u soo noolaanayaan Jabhadii xornimo doonka Somali galbeed.

304900cookie-checkCaqabado iyo Sumcad Xumo ay Ethiopia Siyaasadeeda Dibeda Wajaheyso Kadib Heshiis Beenaadkii…