Garabyada Kooxda Shababka oo Mar kale uu Dagaal aad u xooggan ka dhex Qarxay

Somalia news

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helsyaa Dagaal aad u xooggan ayaa mar kale ka dhex qarxay Garabyada kooxda Argagixisasda Shababka ah, dagaalkaan ayaa hadda ka socdo degaan lagu magacaabo Caliyaalo oo dhowr iyo toban KM dhanka galbeed ka xiga degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug…

Watsidahaan ayaa goobjoogayaal ku sugan aagga uu dagaalka ka socdo u sheegay in muddo dhowr saacadood ah uu dagaalku socdo, waana dagaalkii labaad ay kooxda dhexdeeda ka dhex qarxa gobolka Mudug muddo 12 saacadood ka yar, waxaana soo baxaya warar sheegaya in khilaafka kooxda dhexdeeda ah uu aad u xoogeystay.

Dhanka kale, Ciidamada Dowlada iyo kuwa Macaawiisleyda Abgaal ayaa la wareegay degaanka masagawaay oo ka tirsan gobolka Galgaduud, waxeyna Waqooyi-bari ka xigtaa Degaanka Ruun-nirgood waana wadada loo maro Degmada Ceel dheer iyo degaanka Mareeg.

234780cookie-checkGarabyada Kooxda Shababka oo Mar kale uu Dagaal aad u xooggan ka dhex Qarxay
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com