Koox Hubeysan Oo Cabtooy ah Oo Dad Rayid ah Ku Laayay Degmada Galgodob (Puntland)..

Somalia news

Warar dheeraad ah ayas laga helayaa khasaaraha ka dhashay weerar xalay ay koox cabtooy hubaysan ka geysteen Xadka kala qeybiya Dhinaca Kilinka Soomaalida ee Ethiopia iyo Degmada Galdogob ee Gobolka Mudug, kaasoo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba lahaa..

Wararka ayaa sheegaya in Kooxdaan Hubeysan ay oo khamri ka keenay gudaha Kilinka Somalida Ethiopia islamarkaana u socday dhinaca Degmada Galdogob ayaa markii hore hal askari ku dilay kastamka Tuurdibi qaybtiisa Ethiopia, iyagoo xoog ku maray kastamka Tuurdibi, markii ay galeen gudaha Degmada Galdogob waxay halkaasi ku dileen 3-Nin oo ay ku jiraan Wiil iyo Aabbihiis sida laga soo xigtay goob-joogayaal.

Iyadoo Is-rasaaseyn muddo socotay kadib lagu dilay mid ka mid ah kooxdii khamriga siday gudaha Degmada Galdogob taasoo khasaaraha dhimashada ee dhacdadaasi ka dhigaysa 5-Qof sida ay sheegayaan wararka laga helayo Degaanka, Dhacdada ayaa ku soo beegantay xilli ay dhawaan mushaar la’aan u gadoodeen Xoogaga Maamulka Puntland ee ilaalin jiray Kastamka Tuurdibi kadibna soo banneeyeen.

302000cookie-checkKoox Hubeysan Oo Cabtooy ah Oo Dad Rayid ah Ku Laayay Degmada Galgodob (Puntland)..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com