Caruur ay Soomaali ku jiraan oo Muhaajiriin ah oo laga qaaday Dalka Greece

Uncategorized

Wararka naga soo gaaraya magaalada Athenes ayaa sheegaya in Barnaamij ay Dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub si mutadawacnimo ugu aqbalayeen Caruurta muhaajiriinta ah, ee aan waalidka la socon ee ku sugan Greece, ayaa si rasmi ah usoo geba-geboobay Talaadadii tagtay…

Wararka ayaa sheegay in Da’yar 15 ah, oo ka kala yimid dalalka Somalia, Gambia iyo Pakistan, ayaa raacay diyaarad ka qaaday Athens oo gaysay Lisbon, Portugal, Waxay taasi tirada guud ee caruurta Muhaajiriinta ah ee dib u dejinta loogu sameeyey barnaamijkan ka dhigeysaa 1,368 oo la geeyey 16 dal oo kala duwan tan iyo 2020, sida ay sheegeen saraakiisha Greece.

Guddiga Midowga Yurub ayaa ballan-qaaday inuu dhameystiri doono xeerar cusub oo dhanka socdaaalka, oo ay ka siman yihiin dhammaan dalalka xubnaha ka ah kahor 2024, kadib sanado hakad ah, Qodobka ugu adag ee la isku haya ayaa loogu yeeraa hanaanka garab-istaagga, kaasi oo dalalka xubnaha ah la siinayo kooto dib u dejin oo ay ku caawinayaan dalal ay ka mid yihiin Greece, Italy iyo Spain, oo ah halka magan-galyo doonka badankood ay yimaadaan marka hore.

248850cookie-checkCaruur ay Soomaali ku jiraan oo Muhaajiriin ah oo laga qaaday Dalka Greece