Dib u Dhaca Maxaa Ku Keenay Kulanka Garoowe

Somalia news

Iyadoo lagu waday in Shirka Machadka Heritage ay soo qabanqaabisay, kaasoo lagu waday inuu ka furmo 28-30 bishaan, ayaa guud ahaanba dib u dhacay ku yimid, kadib markii sida la sheegay ay la soo gudboonaadeen cidalo Farsamo…

Kulanka Machadka Hiritage ayaa lagu waday in loogana arrinsado qodobada hoos ku xusan:-

-Xasilinta Dalka

-Dhameystirka Qabyo Qoraalka (Dastuurka)

-Qabashada Doorsho Qof & Cod

-Yagleelida Nidaam Federal Oo Shaqrynaaya

Shirka waxaa lagu casumey guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka, 3-Madaxweyne dowlad goboleed, 2-Maddaxweynayaal hore, Siyaasiyiin, Xildhibaano iyo Ergooyin Soomaaliyeed.

Baaqashada shirkaan ayaa lagu sababeeyey cillad farsamo kadib markii hoolkii lagu qaban lahaa uu qaadi waayey boqolaal ergooyin ah oo loogu talagalay inay ka soo qaybgalaan, waxaana markii ay madaxdii soo galeen la arkay boqolaal ergo oo weli banaanka jooga uuna ka buuxsamey hoolku.

Maamulka Puntland iyo Qabanqaabiyayaasha Machadka Heritage ayaa isla gartay in Maanta uu furmo shirka, iyadoo la isla gartay in shirka uu ka furmo Xarunta jaamacadda PSU fareceeda magaalada Garoowe oo qaabili karta ergooyinkaasi tirada badan.

Dhanka kale,Gudoomiyayaasha Xisbiyada Wadajir iyo Ileys Mr.Cabdiraxman Cabdishakuur iyo Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble Ayaa ka baaqsaday iney ka qeyb galaan Shirka Garoowe kadib markii ay saluugeen Hanaanka Hab-maamuuska ee Qabanqaabiyayaasha Machadka Heritage.

83170cookie-checkDib u Dhaca Maxaa Ku Keenay Kulanka Garoowe