Ciidamada Doeladda & kuwa Degaanka oo Kulaalaya Degaanka Istiraatiijiga ah ee Jowle..

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dhaqdhaqaayo iyo Abaabul Ciidan oo xiligaannka taagan Degmada Xaradheere ee Gobolka Mudug, iyadoo Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Degaanka ay kulaalayaan Degaanka Jowle oo hoostagga Degmada Xarardheere ee gobolkaasi…

Wararka ayaa sheegay in Degaanka Jowle oo dhacda goob istiraatiiji ah ayaa Xarardheere ku xiriirisa Hobyo, Gaalkacyo, Cadaado, Ceeldheer, Galhareeri iyo Ceelbuur, waxaana muddi dheer gacanta ku hayay Maleeshiyaadka kooxda Argagixisada Shababka, Ciidamadaan oo mar sii horreysay ka ruqaansaday Degmada Xarardheere ayaa qorsheynaaya iney degaankaasi ka saaraan maleeshiyada Shabaabka.

Ciidamadaan oo Hogaaminaayo General Axmed Xasan Maalin ayaa la filayo in Jowle ay uga sii gudbaan dhanka Degmada Wisil, Sida uu qorshuhu yahay ciidamadan ayaa la hawlgali doona ciidamo fara-badan, oo muddooyinkii ugu dambeysay lagu diyaarinayay Degmada Wisil.

Xoogagaan ayaa ah kuwa loogu talagalay in ay qabtaan deegaanada Dhalwo, Ceel Cabdi, Qaycad (Qeecad), Qodqod, Caad, Cammaara, Dabagalo, Dumaaye, Bacaadweyne illaa Shabellow.

273300cookie-checkCiidamada Doeladda & kuwa Degaanka oo Kulaalaya Degaanka Istiraatiijiga ah ee Jowle..