Xiisado Ka Aloosan Dhul Laga Iibiyay Xawaalada Kaah

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo xarunta ku meel gaarka maamul goboleedka Jubbaland ayaa sheegaya in xiisad colaadeed ka aloosan tahay markii dhul beereed degaan u ahaa dad rayid ah ay duulaan ku qaadeen ciidamo sida la sheegay inuu soo diray Hogaanka Maamulkaasi…

Wararka hordhaca ah Ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegay in Ciidammada ayaa doonayay inay xoog uga raraan dad dhulkaas deggenaa hasa yeeshee waxaa iska is-rasaaseyn dhex maray dadkii Degaanka iyo Ciidankii halkaas tegay, sida la sheegay iska hor imaadkaas waxaa ku dhintay hal qof waxaana ku dhaawacmay tiro ilaa seddex qof lagu sheegay oo labada dhinac ah.

“Waxaa dhibaato joogta ah nagu haya niman xoogaa lacaga haysta iyo kuwo dulaaleey ah oo ku xiran madaxweyne Axmed Madoobe oo ku leh guriga aad deggentahay ama beertaada anigay igu fiicantahay, maalinta xigtana askar ka soo wadanaya madaxtooyada” sidaas Ayaa sheegay in degaanka ka soo jeeda.

Sida ay sheegeen xubno ka mid ah dadka Degaanka dhacdadan ayaa ka dambaysay kadib markii uu Madaxweynaha Jubbaland uu dhulka ay degan yihiin uu lacag 500 kun dollar kaga iibsaday Xawaaladda Kaah, Eedaha noocaan ah ee dadka Degaanka u jeedinayaan maamulka Jubbaland oo ah kuwo soo noqnoqda ayey ku sheegeen in aysan jirin cid wax ka qabanaysa.

112510cookie-checkXiisado Ka Aloosan Dhul Laga Iibiyay Xawaalada Kaah