Madaxweyne Ruto ayaa xaqiijiyay Amaanka Dalka Inkastoo UK ay soo Saartay Digniino la-Talinta Socdaalka ah..

Africa News

Iyadoo Dowlada Kenya ay u dabbaal degeysay 60-aad ee maalinta Jamhuri, Madaxweyne William Ruto ayaa wuxuu ku adkeystay in Dalku uu nabad yahay inkastoo ay muuqato khataro amni oo gudaha iyo dibadda ah oo ay wali wajaheyso, taasoo isugu jirta kooxaha argagixisada iyo dagaalada Beelaha…

Mar uu shalay khudbad ka jeedinayay beerta Uhuru ee magaalada Nairobi ayuu madaxweyne Ruto ku sheegay in Hey’adaha Qmniga qaranka ay weli yihiin gaashaanka adag ee ka dhanka ah argagixisada, dambiyada iyo amni darada, “Sida aan sii xoojino in aan maal-gelinno hantida muwaadiniinta ee qaybta amniga, waxaan sii wadeynaa inagoo rajeyneyneyna inaan horumar ka gaarno anagoo ku tashaneyna awooddeeda guud ee Shacbiga si aan u ilaalino xuduudaha qaranka ee aan lagu xad-gudbin karin, nafta iyo hantida dadkayaga iyo badbaadada,” ayuu yiri Ruto.

Dareenka Madaxweyne Ruto ayaa ka soo horjeeda la-talin socdaal oo joogto ah oo guddiga sare ee Britain ee Nairobi ay soo saareen ugana digeen Mas’uuliyiinteeda hoos taga Xafiiska Arrimaha Dibedda, Barwaaqo-sooranka iyo Horumarinta (FCDO) toddobaad ka hor inay u safraan degaannada 60km u jira xuduudka Kenya iyo Somalia.

“Haddii aad qorsheysato inaad u safarto Jaziirada Lamu ama Jaziirada Manda, waa in aad u duusho Garoonka Lamu (Garoon diyaaradeed oo rayid ah oo ku yaal Jasiiradda Manda), Ha ku safrin waddo, ” muwaadiniinta Ingiriiska ayaa Saraakiisha Safaarada UK kula talisay.

293140cookie-checkMadaxweyne Ruto ayaa xaqiijiyay Amaanka Dalka Inkastoo UK ay soo Saartay Digniino la-Talinta Socdaalka ah..