Ma Dhabaa in Wakiilo ka Socda Kooxda Argagixisada Shababka ay la Kulmeen Ganacsato

Somalia news

Kadib markii ay Hey’adaha Amaanka ay kordhiyeen cadaadiska ay ku hayaan Ganacsatada lacag baad ah siiya kooxda Shabaabka laga qaadi doono tallaabo rasmi ah, isla-markaana Ciidamada Dowlada burburiyeen goobihii Ganacsatada looga yeeri jiray ee duleedka Caasimada, ayaa hadda waxaa billaawday in Ganacsatadu lagu amro iney 2-sano soo hormariyaan Baada…

Sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo loo qaateen ayaa sheegay in Kulan qarsoodi ah oo lagu qabtay gudaha Suuqa Bakaaraha todobaadkii tagay ayna wada yeesheen Wakiilo ka socda Horjoogayasha Shababka iyo Ganacsatada iyo Shirkadahs looga dooday sidii diyaarin lahaa dhaqaale deg deg oo loo taageeraayo Kooxda oo xiligaan dagaalo ku furan yihiin, iyadoo tiro aad u yar oo Ganacsato ah ay oggolaadeen iney dhaqaale bixiyaan.

Sidoo kale Horjoogayaasha kooxda ayaa kordhiyay Fariimaha iyo hanjabaadaha ay ku cabsi galinayaan ganacsatada iska diiday in ay baad siiyaan, waxaana arrinkaas awgeed hakad u galay qaar ka mid ah tiro badan dhismayaal socday kadib markii ay boxin waayeen baada lagu soo qoray, waxaana loogu hanjabay in la burburin doono dhismayaasha qabyada ah.

218000cookie-checkMa Dhabaa in Wakiilo ka Socda Kooxda Argagixisada Shababka ay la Kulmeen Ganacsato
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com