Gaari Rakaab Oo Miino Kula Qaraxday Duleedka Muqdisho

Somalia news

Macluumaad hordhaca ah ayaa laga soo sheegaya qarax xoogan oo goor dhow ka dhacay jidka dheere ee xiriiriya magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye oo ka kala tirsan gobollada Banaadir iyo Sh/Hoose, iyadoo khasaare uu ka dhashay….

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa oo ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso uu qabsaday gaari Kuwa Rakaabka ah (BL) oo ay la socdeenHaweenka Khudaarta ka ganacsada tiradoodu lagu qiyaasay ku dhowaad 20 qof, iyadoo 10- ka mid rakaabka ay ku geeeoyoodeen, waxaama la sheegay in 9- kale ay dhaawacyo ja soo gaareen miinada, Gaarigaan ayaa ka yimid dhinaca degmada Afgooye, Iyadoo uu qaraxa uu ku qabsaday agagaarka deegaanka Xaawa-Cabdi ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Guddoomiyaha degaanka Ceelasha Biyaha oo wareysi siiyey mid ka mid ah Idaacadaha magaalada Muqdisho ayaa xaqiijiyey in qaraxaasi ay ka bad-baaday kaliya gabar yar oo ka mid ah aheyd rakaabka, islamarkaana dhammaan dadkii kale ee gaariga la socday oo gaarayey illaa 20 qof ay soo gaartay waxyeelo isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

38560cookie-checkGaari Rakaab Oo Miino Kula Qaraxday Duleedka Muqdisho