Xoogaga Amaanka Ee Magaalada Garoowe Oo Dabley Hubeysan Oo Dadka Dhaca..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ayaa sheegaya in Howlgal ay fuliyeen Xoogaga Amaanka ay ku soo qabteen Dabley Hubeysan oo ku eedaysan kufsi iyo mobile furasho, iyadoo Dadka qaarkiis la sheegay in Jir dil loo geystay…

Wararka ayaa sheegaya in Hawlgalka intii uu socday lagu qabtay Shaqsiyaad isticmaala Maandooriyaha Khamriga iyo Xashiishka kuwaasoo ku hubeysan Qoryaha Ak-47 iyo Bastoolado, intii uu howlgalka socday ayaa Dableydaan qaarkood lagu dhaawacay sida lagu sheegeen ilo Amaan.

“Taliska Qaybta Gobol ka Nugaal ayaa howlgal ay ka fulliyeen saqdii dhexe ee xalay Magaalada Garowe kuna guuleysteen iney gacanta ku dhigaan Dabkeydaan ku eedeysan kufsi iyo mobile furasho” ayaa lagu yiri qoraalka.

305680cookie-checkXoogaga Amaanka Ee Magaalada Garoowe Oo Dabley Hubeysan Oo Dadka Dhaca..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com