Madaxweynaha Somalia oo Qaaday Talaabo Sababi karta Fashilka Barnaajimka Deyn Cafinta

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Shaqo ka eryidii Wasiirka Maaliyada Dowlada Federaalka oo xubin muhiim ah ka ahaa Xisbiga diimeedka Simad-Demu jadiid, iyadoo la sheegay in Madaxweynaha uu gaaray go’aankaasi kadib markii ay culeys ku saartay Marwadiisa 2-aad oo labada Sarkaal ee uu Wasiirka shaqada ka joojiyay adeegayaal u ah…

Sida ku cad nuqul-dukumentiyo ay isweydaarsadeen Bangiga Adduunka iyo Wasaaradda Maaliyada Somalia oo la soo gaarsiyay Warsidaha Diinah.com news, mid ka mid ah warqadaha Bankiga Adduunka ayaa muujinaya in Xisaabiyaha Guud uu dib u dhigayo oggolaanshaha iyo socodsiinta lacagaha lagu bixiyo mashaariicda socda.


Hanaanka ayaa wuxuu qaatay in ka badan sidii markii hore loogu talagalay, Bankiga Adduunka ayaa walaac ka muujiyay dib u dhaca ku yimid lacagta ay Wasaaradda Maaliyadda ku sii dayn jirtay, gaar ahaan doorka Xisaabiyaha Guud ee Qaranka.

22-kii bishii June ayaa warqaddan loo diray Wasiirkii Maaliyadda ee xilligaas Dr. Cilmi Nuur oo markii dambe xilka laga qaaday. Xil ka qaadistiisa ayaa ka dambeysay ka dib markii uu shaqada ka joojiyey xisaabiyaha guud arrintan. Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Xasan ayaa taageeray Xisaabiyaha Guud ee Qaranka, wuxuuu go’aansadsy inuu xilka ka qaaday Wasiirka, balse waxaa laga cabsi qabaa in Talabadaani ay uga sii dari doonto arrinta Barnaajimka Deyn cafinta waxayna keeni kartaa inay xumayso xiriirka Bangiga Adduunka.

265140cookie-checkMadaxweynaha Somalia oo Qaaday Talaabo Sababi karta Fashilka Barnaajimka Deyn Cafinta