Colaadda ka Ololeysa Badda Cas oo si weyn u Saamaysey Ganacsiga Aduunka..

Business World

Waxaa in muddo ah taagan Colaad u dhaxeysa Kooxda Xuutiyiinta oo dhinac ah UK & USA, waxaana colaadani salka ku heysaa Maraakiibta u socota Dekada Israel ee Eilat oo ay kooxda Xuutiyiinta bilaabeen iney weerar ku ekeyaan, kadibna waxaa xaaladii taagneyd uga sii daray Ciidamada UK & USA oo Weeraray goobo badan oo Dhulka Yemen…

Weeraradaan iska soi horjeeda ayaa horseeday in qiimaha xamuulka iyo Ceymiska Maraakiibta uu sare u kaco iyo xasillooni darro xaga Ganacsiga aduunka ah, Khadadka maraakiibta ee sida caadiga ah ka yimaada Aasiya ee sii mara Gacanka Cadmeed, iyagoo sii mara marinka Bab el mandeb ilaa Suweys Kanal, kadibna u gudba Yurub ayaa hakad ku yimid, Laakiin hadda Milkiilayaasha Maraakiibta waxay ku khasban yihiin inay maraakiibtooda ku jiheeyaan waddada dheer ee qaaliga ah ee Afrika waa safar qaata 10-14 maalmood ka dheer tii hore.

Qiimaha dhoofinta ayaa cirka isku shareeray

Colaada ka taagan Badda cas ayaa keentay in qiimaha wax dhoofintu uu sare kaco, Konteenarada cabbirkiisu yahay 40-ft ee laga soo qaado Dekadaha Shanghai ilaa Dekada Rotterdam waxa uu ku kacayey wax ka yar $1,000 bishii Sebtembar 2023, hadda waxa uu marayaa wax ka badan $4,900. Arrintan ayaa keenaysa sicir barar ku yimaada Badeecadaha ka yimaada Aasiya.

Siyaasadaha Xoog wax ku xalinta ee UK iyo USA ayaa noqotay mid uga sii dartay Xaalada, waxaana gebi ahaan xirmay shaqadii Dekadaha Eilat iyo Haifa ee Israel, iyadoo Xoogaga Xisbulaah iyo Xuutiyiinta ay shuruud ku xireen in Shaqada Dekedahaan in la joojiyo Xasuuqa ay ka wadaan Ciidamada Yuhuuda Marinka Gazza.

302350cookie-checkColaadda ka Ololeysa Badda Cas oo si weyn u Saamaysey Ganacsiga Aduunka..