Markab saanad Ciidan Sida Oo Kismaayo..

Uncategorized

Wararka hordhaca ah ee naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee Gobolada Jubada hoose ayaa sheegaya, In dhowaan la filayaa inuu dekada kusoo xirto Markab kasoo shiraacday dekada Mombassa Ee Dalka Kenya.

Xogataan ayaa Diinah.com u sheegtay In Markabka uu sido shixnad agab Ciidamada, si dhab ahna lama oga in Ciidamada Amisom Sektorka Jubbaland  u raran yahay iyo Dawlad Gobolleedka Jubbaland.

Horey ayeey Heshiis iskaashi oo u ka dhaxeeyay Hogaanka Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo Ciidamada Kenya ee ku howgala magaca Amisom, Waxaana dhici karta In Dalab hore iyo heshiis uu horey u dhex maray, iyadoo Xukuumada Nairobi ay Maamulka ka  taageerto dhinaca saadka iyo Saanada Ciidamada si loo xoreeyo Deegaanada weli ka maqan gacanta Jubbaland.

Hogaanka Jubbaland ayaa In muddo waday Diyaargarow dagaal oo ay ku doonayaan iney ku xoreeyaan degmooyinka  Jilib,Jamaame, Saakow ilaa Bu’aale oo Gobolka Jubbada Dhexe ah.

15200cookie-checkMarkab saanad Ciidan Sida Oo Kismaayo..