Deni & Kuxigeenkiisa oo Khilaaf Xoogan ka dhex Qarxay & Sababaha Horseeday…

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ayaa sheegaya in Khilaaf ba’an oo ku saabsan arrimaha doorashada Puntland ayaa mar kale ka dhex qarxay Saciid Deni iyo Madaxweyne ku xigeenka Axmed Karaash, iyadoo xiisadani salka ku heyso 17-Xubnood ee Beesha Dhulbahante…

Ilo wareedyo degaanka ayaa xaqiijiyay in Saciid Deni uu suuqa ka qortay Shakhsiyaad uu ku tilmaamay iney yihiin 17-kii Xildhibaan ee Gobolka Sool, kuwaasoo aan haysan saxiixa Isimada Dhaqanka iyo Cuqaasha Khaatumo, waxaase tallaabadaasi ka horyimid Madaxweyne ku xigeenka Axmed Karaash, iyadoo hadda muran xoogan ka dhex taagan yahay labada Mas’uul ee ugu sarreeya Puntland.

Musharrixiinta Mucaaridka ah ee Puntland ayaa sidoo kale ka horyimid Shakhsiyaadka uu Deni suuqa ka qortay ee ku tilmaamay Xildhibaannadii SSC laga soo dooran jiray, waxeyna ku eedeeyeen Guddiga Doorashada iney fududeeyeen, iyagoo sheegay iney kalaoonidii kala laabteen.

Mucaaridka ayaa ku baaqay in doorashada lagu galo 49-Xildhibaan, maadaama reer SSC dhisteen Maamul gaar ah, islamarkaana ay go’aansadeen in aysan ka qayb gelin doorashada Puntland, Halka Deni uu sheegay in in doorashada lagu geli doono 66-Xildhibaan, taasi oo ka dhigan inuu waxba kama jiraan ka soo qaaday go’aankii reer SSC-khaatumo.

296680cookie-checkDeni & Kuxigeenkiisa oo Khilaaf Xoogan ka dhex Qarxay & Sababaha Horseeday…