Khilaafka Gudoonka Barlamaanka Iyo Shirka Dhuusa mareeb-2

Somalia news

Waxaa baananka u soo baxay Khilaaf xoogan oo u dhaxeeya Gudoonka Barlamaanka, kadib markii uu Kuxigeenka 2-aad ee Barlamaanka uu Shalay sii raacay Wasiirka 1-aad safarka Dhuusa mareeb-2 si uu uga qeyb galo, iyadoo maanta uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan hadal ka jeediyay fadhiga Xildhibaanada golaha shacabka ayaa si weyn uga horyimid in la qabto doorasho dadban xili waqtiga u haray dowlada bilooyin kaharsan yihiin….

Waxa uu sheegay Gudoomiye Mursal in aysan aqbaleyn in dalka ka dhacdo doorasho dadban, waxa uuna xusay wixii shuruuc ee doorasho lagu aadayo uu Baarlamaanka xaq u leeyahay go’aan ka gaaristiisa.

https://www.facebook.com/570794759773038/posts/1397237053795467/?sfnsn=scwspwa&extid=kTSSncysjoVqxeWO&d=w&vh=e

Gudoomiye Mursal oo u muuqday mid kasoo horjeeda go’aanadii kasoo baxay shirkii Madaxda maamul goboleedyada ku yeesheen Dhuusomareeb ayaa cadeeyay in dowlad goboleedyada aysan laheyn go’aanka doorashada dhaceysa iyo nuuca ay noqoneyso.

Maxamed Mursal ayaa sidoo kale weerar afka ah ku qaaday Guddoomiye kuxigeenka 2aad Mahad Cawad oo safar ku tagay magaalada Dhuusomareeb, waxa uuna xusay ay ku noqotay wax lala fajaco tagitaanka Dhuusomareen Mahad Cawad.

Waxa uuna cadeeyay Gudoomiyaha golaha Shacabka in Mahad Cawad uusan ku matalin Baarlamaanka tagitaankiisa magaalada Dhuusomareeb isagoona xusay in danihiisa gaarka ah halkaasi u tagay.

Sidoo kale waxaa weerar afka ku qaaday Gudoomiye Kuxigeenka 2-aad ee Barlamaanka Mr.Mahad Cawad Wasiirka Ciyaaraha ee Dowlada Federaalka Mrs.Khadiija Diiriye Oo xiliyadii ugu dambeeyay xulufo la aheyd Wasiirka 1-aad iyo Mr.Cawad, iyadoo haatan ay muuqaneyso in Isbaheysigii Farmaajo uu burbur qarka u saaran yahay, kadib markii Garabkii Wasiirka 1-aad ay ku biireen Shirka Dhuusa mareeb-2 taasoo Go’aan looga Gaari doono mustaqbalka Siyaasadeed ee Maamulka Farmaajo Oo u muuqda in laga saftay.

https://www.facebook.com/363773513701137/posts/3118108058267655/?sfnsn=scwspwa&extid=SH1VW3RyA7Jf0ryW&d=w&vh=e
48140cookie-checkKhilaafka Gudoonka Barlamaanka Iyo Shirka Dhuusa mareeb-2