Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Dabley Hubeysan oo Imaam Masaajid falkaasoo xalay ka dhacay Degmada Kaaraan ee Gobolka Benaadir, iyadoo sidoo kale tiro 8-Qarax xiligii Afurkii ay Maleeshiyaad ku weerareen Degmooyin ka tirsan Gobolka Benaadir…
Wararka hordhaca ah ayaa sheegay in Dableydaan hubeysn ayaa ka dhacay taleefoon uu watay, Marxuum Cabdi Cubeyd oo mu’adin iyo Imaam ka ahaa Masjid uu waqfay Aabihiis Cubeyd, Saraakiisha Laamaha Amaanka ayaa goobta gaaray, iyaga oo sameeyay howlgallo ay ku aadi goobayeen dadkii ka dambeeyay dilka, balse aysan ku guuleysan inay soo qabtaan.
Degmooyinka Kaaraan, Yaaqshiid iyo Wadajir ayaa ah degaanada ugu amniga xun Gobolka Banaadir, waxaana inta badan dadka ku dila unugyo Daacad u ah Kooxda Shababaka, Ciyaal weero iyo kooxo burcad ah oo dhac geysanaya.
Dhanka kale waxaa xalay xiligii Afurkii qeybo ka mid ah Magaalada Mogadishu laga maqlay tiro ilaa 8-Qaraxyo ah dadku u maleenayeen Hoobiye & Bambooyin Dheemish ah, waxayna qaraxyadaasi khal khal galiyeen Shacbiga Magaalada oo xiligaasi ku guda jiray Afurka.