Cabsi Dagaal Oo Ka Taagan Degaanada Dhuusama mareeb & Guricel

Somalia news

Wararka laga helaayo Magaalooyinka Dhuusa mareeb iyo Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xalay degaanadaasi laga dareemay cabsi xoogan kadib markii la sheegay in magaalooyinkaasi weerar kusoo yihiin Xoogaga ka tirsan kooxda Suufiyada…

Wararka ayaa sheegay in Xoogag aad u Hubeysan oo taabacsan kooxda Suufiyada ee horey awoodoodii loo wiiqay ayaa la sheegay iney ka soo ruqaansadeen deegaanka Bohol ee duleedka Dhuusomareeb, waxa ayna ciidamada deegaankaasi uga baxeen dhowr jiho.

Ciidamada Dowlad degaanka , kuwa Federaalka iyo Ciidamada ATMIS ee ku sugan magaalada Dhuusomareeb ayaa xalay heegan buuxa la galiyay, waxaana la xiray waddooyin badan oo laga soo galo magaalada Dhuusomareeb.

Cabsida ka taagan Caasimadda Galmudug ayaa imaaneysa xilli ay magaaladaasi xilligan haawaneyso ayna kasoo maqan yihiin dhammaan Mas’uuliyiinta ugu sareysa Maamulka Galmudug sida Madaxweynaha, kuxigeenkiisa iyo Gudoonka Baarlamaanka ayna ku mashquulsan yihiin howlo dalaalnimo iyo dhaqaale uruursi.

188410cookie-checkCabsi Dagaal Oo Ka Taagan Degaanada Dhuusama mareeb & Guricel
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com