Qeylo Dhaan Laga Soo Saaray Nidaamka iyo Hanaanka Xukunada Maxkamada Ciidamada

Somalia news

Waxaana wal wal iyo cabsi laga muujiyay in kiisaskaas qaar iyo go’aanada Xukunada Garsoorayaasha Maxkamada Ciidamada ay noqdeen kuwo ka fog Cadaalada isla markaasna ay noqdeen kuwo la sii og yahay, iyadoo Go’aanadoodu inta badan xagudub ku yihiin xuquuqdaha aadanaha iyo xaqa Muwaadinka inuu helo Garsoor dhexdhexaad ah…

Muwaadiniin badan oo Soomaaliyeed ayaa isweydiinayaa sida ay Cadaalada ugu adeegi karaan Garsoorayaal muddo Sanado ah iska fadhiya Hogaanka Garsoorka Ciidamada, iyagoo Saraakiishaan Hogaanka Maxkamada iyo Xeer ilaalinta lagu eedeeyay iney ku milmeen Siyaasada, soona saaraan go’aano loo meeriyo oo dhinac u badan.

Baaqyo badan oo ka imaanaaya dhinacayada Shacbiga ayeey ugu baaqeen Madaxweynaha inuu soo fara geliyo isla markaasna uu dib u habeyn muuqata ka sameeyo Garsoorka Maxkamada Ciidamada iyo Xafiiska Xeer ilaalinta, Saraakiisha Xafiisyadaan oo muddo dheer jooga Xafiisyada ayaa lagu fasiray iney u fududeysay iney soo saaraan Xukuno muran badan dhaliya.

Hay’adda xaquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa war bixin ay ku dhaleecaynayso hanaan ka ay maxkamada ciidamada Qalabka sida u fuliso xukunada, Warbixintaan waxaa lagu sheegay in hay’adda oo la kulantay Sodomeeyo ruux oo qaarkood ehelkooda ay maxkamadu xukuntay ay ku ogaatay in xataa dadka ay xukunto maxkamadu qarenadda u dooda aysan helin fursad ay ugu doodaan eedaysanayaasha ay difaacayaan.

232330cookie-checkQeylo Dhaan Laga Soo Saaray Nidaamka iyo Hanaanka Xukunada Maxkamada Ciidamada