Weerar Dhimasho & Dhaawac Geystay Ayaa ka Dhacday Saldhigga Boliiska Burtinle

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa is-rasaaseyn ka dhacday Saldhigga Boliiska degmada Burtinle ee Gobolka Nugaal, Inta la xaqiijiyay hal askari ayaa ku geeryooday, mid kalena waa ku dhaawacmay weerarka ayaa waxaa qaaday maleeshiyaad beeleed hubeysan…

Xogtaan ayaa tilmaamtay in Maleeshiyaadka weerarka ku qaaday saldhiga Burtinle ayaa la sheegay inay ka careysnaayeen dad ku beel ah, oo xukun ay ku riday Maxkamad, sidoo kalena loo gudbin lahaa xabsiga dhexe ee caasimadda Puntland ee Garoowe.

Booliska saldhigga degmada iyo maleeshiyaadka ayaa iska hor imaad kooban dhexmaray, taas oo saacado xaalad kacsan ah ka abuurtay magaalada Burtinle, Askariga dhintay ayaa magaciisa lagu sheegay Maxamed Badgal Ciise.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Taliska qeybta Boliiska gobalka Nugaal iyo maamulka degmada Burtinle, oo ku aadan weerarka lagu qaaday saldhigga Burtinle.

216690cookie-checkWeerar Dhimasho & Dhaawac Geystay Ayaa ka Dhacday Saldhigga Boliiska Burtinle
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com