Ma Dhabaa in Gudoonka Baarlamaanka uu Qoraal u Qoray inuu Taageeradii u Kala Laabtay Musharaxad IPU…

Somalia news

Iyadoo loo balansan yahay in la qabto Doorashada meertada ee Gudoonka IPU ee Baarlamaanka Aduunka (Inter-Parliamentary Union) oo lagu wado in lagu qabto magaalada Luanda ee Dalka Angola (26-27-bishan), Somalia ay u tarmeyso Xildhibaanad Marwo CabdiBashiir Xaaji oo ka soo jeeda Puntland isla markaasna taageero xoogan ka heshay Gudoonka iyo Dowlada Federaalka…

Saacadihii ugu dambeeyay waxaa baraha bulshada qabsaday Dood ka dhalatay Qoraal been abuur ah oo shaaciyeen Taageerayaasha Kooxaha CBB iyo NN kuwaasoo sheegay in Gudoonka Baarlamaanka uu kala laabtay Taageeradii Xildhibaanada sababo aan la shaacin, waxeyna ku doodeen in Villa Somalia ay Taageero u muujisay Musharaxad ka soo jeeda Dalka Tanzania si loogu fududeeyo Somalia iney ka mid noqoto Xubin EAC.

https://fb.watch/nVDwNuUmv1/

Ilo wareedyo Gudoonka Baarlamaanka ayaa xaqiijiyey inaysan qayb ka ahayn waraaqda ka laabashada ee Murashaxnimada Xildhibaan Marwo Bashiir, “Majirto meel aqalka hoose gudoonkiisu kaga laabtay sharaaxaada Marwo, waa taageersanahay, waana garab-taaganahay Muwaadin kasta oo Soomaaliyeed hana leh ” ayuu dhahay mid kamid ah Shaqaalaha sare ee xafiiska Guddoonka.

Maxaa Xiligaan keenay in Qoraal been abuur ah la baahiyo oo loo saarayo Gudoonka Barlamaanka, maxaase loo xakameyn la’yahay kooxaha caadeystay iney mari habaabiyaan Bulshada si ay dantooda ugu fushadaan kuwaasoo ka faa’iideystay Intii Xilka ka hayeen Maamulkii Faahilmay ee Farmaajo iney Warqado rasmi ah oo cad keydsadaan.

284010cookie-checkMa Dhabaa in Gudoonka Baarlamaanka uu Qoraal u Qoray inuu Taageeradii u Kala Laabtay Musharaxad IPU…