Ma Dhabaw in Horgalada Siyaasada ee Gobolka Awdal Oo Dhalinyaro Degaanka ah Ku Biiriyay Xoogaga Beesha Isaaq..

Somalia news

Macluumaad horshac ah ayaa laga helayaa Abaabul ay si hoose u wadeen Horgalada Cabdiraxmaan Seylici (Kuxigeenka Muuse) iyo Wasiirka Ganacsiga Maxamuud Xasan (Saajin) ayaa ku guuleystay muddo 3-biliod ah iney dhalinyaro degaanka Tababaro Ciidan u furaan si ay uga mid noqdaan Dagaalada Gobolada Sool & Togdheer…

Wararka ayaa sheegay in ilaa 300-Dhalinyaro ayaa tababaro xagga Ciidanka iyo hubka looga furay degaanka Boon, iyadoo dhinac kale Dadka Degaanka Degmada Boorame ay si cad u sheegeen iney ka soo horjeedaan qadiyada Goosashada iyi ka qeyb gaadashada Dagaalada ka socda Degaano hoos yimaada Gobolada Togdher iyo Sool.

Wararka ayaa sheegay in Maleeshiyaadaan cusub ayaa la filayaa in dhawaan loo daabulo jiidaha hore ee Oog iyo Horufadhi, halkaasoo oo kale Yeyle ay fursad u heli doonaan inay xaabo u noqdaan Damaca Kooxda Muuse Biixi iyi Saleyman Gaal oo muddo ku howlan in Dagaalka loo bedelo mid beeleed.

Ilo wareedyo ayaa sheegay in Dhimashada Dhalinyarada Gobolka Awdal kasoo jeeda ee dagaalkii Sool 25kii Agoosto ayaa ilaa hadda lagu qiyaasay 452 ilaa hadda la tiriyey, 58 dhaawac ah iyo 120 maxbuus, Si Kastaba Ha Ahaatee Ma Jirto War Rasmi Ah Oo Ka Soo Baxay Maamulka Somaliland.

289500cookie-checkMa Dhabaw in Horgalada Siyaasada ee Gobolka Awdal Oo Dhalinyaro Degaanka ah Ku Biiriyay Xoogaga Beesha Isaaq..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com